Posts

Showing posts from March 20, 2022

Maalqabeen La Majeerto Qarniyo Ka Dib!!

Is Bedalka Cimiladu waxaa uu ina barayaa wejiga runta ah ee maal-qababeenka. Wax-tarka ay bulshada u leeyihiin iyo waxtar la’aantooduna waxaa ay jaan-geyn doonaan halka ay ka gelayaan Taariikhda iskeed isu qorta ee aan qurxinta iyo buunbuuninta ku tisqaadin. Tusaale aan soo qaato, Xaaji Zeynabdin Taghiyev haddii aanad maqal. Waa maalqabeen hore oo ka mid ahaa dadka ugu dhaqaalaha roon dunnida waqtiyadda qaar. Laakiin, Ninkan, laguma xasuusto maanta  dhaqaalihiisii faraha badnaa ee uu ka kasbaday intii uu jiray Ganacsiyo uu ka mid ahaa soo saarista iyo iibinta Shidaalka oo uu bilowgeesii gar-daadiyay waddankiisu. balse waxaa lagu majeertaa wax-tarkii aan xadka lahayn iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa is bedelka nolosha Bulshadiisa. Zeynabdin waxaa uu dhashay January 1823 waxaana uu u dhashay dalka Azerbaijani oo uu ku geeriyooday 1 September 1924.  Xaaji Zeynabdin Taghiyev,  Aabbihii waxaa uu ahaa Kabotale la daalaa-dhacaya nolol maalmeedka qoyskiisa, sidaas dartee...