Maalqabeen La Majeerto Qarniyo Ka Dib!!

Is Bedalka Cimiladu waxaa uu ina barayaa wejiga runta ah ee maal-qababeenka. Wax-tarka ay bulshada u leeyihiin iyo waxtar la’aantooduna waxaa ay jaan-geyn doonaan halka ay ka gelayaan Taariikhda iskeed isu qorta ee aan qurxinta iyo buunbuuninta ku tisqaadin.


Tusaale aan soo qaato, Xaaji Zeynabdin Taghiyev haddii aanad maqal. Waa maalqabeen hore oo ka mid ahaa dadka ugu dhaqaalaha roon dunnida waqtiyadda qaar. Laakiin, Ninkan, laguma xasuusto maanta  dhaqaalihiisii faraha badnaa ee uu ka kasbaday intii uu jiray Ganacsiyo uu ka mid ahaa soo saarista iyo iibinta Shidaalka oo uu bilowgeesii gar-daadiyay waddankiisu. balse waxaa lagu majeertaa wax-tarkii aan xadka lahayn iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa is bedelka nolosha Bulshadiisa.

Zeynabdin waxaa uu dhashay January 1823 waxaana uu u dhashay dalka Azerbaijani oo uu ku geeriyooday 1 September 1924. 

Xaaji Zeynabdin Taghiyev,  Aabbihii waxaa uu ahaa Kabotale la daalaa-dhacaya nolol maalmeedka qoyskiisa, sidaas darteed,waxaa uu jeclaystay wiilkiisa inuu ku tababaro  Xirfadiisa Kabaha. Balse,  Zeynabdin Taghiyev markii uu Toban jirsaday waxaa uu jeclaystay inuu Kuuli-noqdo oo qoraalka dhagaxa Dhismaha barto, waxyarna ku qaato gacan-yare ahaan.

Markii uu 15 gaadhay wuxuu bilaabay inuu ku shaqeeyo farsameynta dhagaxa dhismaha, haddana waxaa uu u gudbay Qandaraasle illaa uu markii danbe noqday mid ka mid ah ganacsatadda ugu waaweyn dalkiisa Azerbaijan iyo dunidaba.

Laakiin, marna ma uu ilaawin, Saboolnimadii iyo dadkii uu ka midka ahaa, agoonta gaajaysan iyo adeegyadda dadkiisu u baahanyihiin.  Wuxuu ka caawiyay dalka Waxbarashadda iyo ardayda u baahan jaamacadaha dibada. Waxaa uu taagay, Dugsigii ugu horreeyay ee farsamada gacanta. Iyo dusigii ugu horeeyay ee habluhu wax ku bartaan. Waxaa uu biyo uga soo qaaday caasimada dalkiisa ee  Baku oo haraad la il-darayd  Quba. Warshad ka shaqaynaysa korontadda ayuu ka dhisay Mardakan. Kuwani waa uun qayb ka mid ah shaqooyinka mutadawacnimmo ee uu Xaaji Zeynalabdin Taghiyev. 

Waxaana dhawaan Madaxweynaha dalkaas Ilham Aliyev uu xadhiga ka jaray taallo lagu maamuusay oo laga hir-geliyay badhtamaha magaallada Baku gaar ahaan albaabka laga galo tareenka dhulka hoostiisa mara. Maadaama uu waddaadkaasi magaalada lafteedda  jidadkeeda maal-badan u huray. 

Yaan qallin taraarine, Mar hadii Roobkii curtay waxaa aan boggaadinayaa oo aan jeclaystay in aan qormaddan  ku xusso guud ahaan shirkadihii iyo ashkhaastii ka qayb-qaadatay dedaaladii loogu gurmanayay dadka abaaruhu wax yeeleeyeen gaar ahaan Ismaaciil Axmed aas-aasaha WorldRemit iyo hay’addiisa Sahamiye oo door hormuud ah ka ciyaaray. Mustafe Sheekh Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah

Mar la ii doortay Solja