Posts

Showing posts with the label Doogsin-carar: Ma xidhiidhiyaha sadexda Xisbibaa?
  Doogsin-carar: Ma xidhiidhiyaha sadexda Xisbibaa? Waa kooxo todobaad walba munaasibadaha lagu qaabilo iyo dhawaaqooda bulshadu maqasho oo warbaahinta ka batey. Waxayna u kala dab-qaadaan meelo kooban. Hormoodka kooxdan oo dadka qaar ku naaneysaan ‘Doogsin-carar’, wuxuu todobaad hore ka hadlayay munaasibad uu u qabtay mid ka mid ah saddex aragti-siyaasaddeed, kuwaasoo mid kasta oo ka mid ahi bilo kooban gudahood oo ka mid ah sannadaha u irmaan-yahay, digo-rogashada Doonsin-carar iyo kooxdiisa u sameeya munaasibado loo arrko in weji kale lagu jilayo. Wuxuu haystaan Cod-baahiye dhawaaq dheer, wuxuuna taagan yahay sii-jeedka miis ay fadhiyaan hogaan aanay weji ahaan isku cusbayn oo hore ugu qaabilay kullamadan oo kale, wuxuuna ku sii jeedaa kooxdiisa oo la baxay taageerayaal cusub oo ka soo go’ay xisbi hebel, una soo digo-rogtay xisbi hebel kale. Wuxuu sare ugu dhawaaqayaa erayo uu munaasibadaha noocan ah u adeegsado, kuwaasoo loo ekaysiiyay qaar ka tarjumaya aragti siyaasaddeed oo a...