Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah
Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah In kasta oo aan sina murti looga maar-maari karin, hadana, nidaamkan saxaafadeed ee qoran maanta ka hor Suugaantu waxay inoogu beegneyd kaalintii war is gaadhsiineed iyo weelka lagu dhiteeyo Kayd-yaalka taariikheed ee maalin-ba waayaha la joogo sunta. Waxaad marar badan muddan inaad milicsato ama dhagtaada ku soo dhacdo mid ka mid ah Gabayadaa hore ee la isugu marriyay. Waxaana hubaal ah, Tookh, tirtirsi, difaac, waano iyo qaybaha kala duwan ee Abwaan ka maansoodo mid uu doonaba ha ahaadee, mar kasta oo aad dib ugu fiirsataba sugaanta in aad ka baran karayso casharo kugu cusub oo ay tahay in lagu wax qaato. Gaar ahaan dadka ku hawlan qoraalka iyo tabinta macluumaadka. Aan tusaale u soo qaato, mid ka mid ah gabayada ekeeyaha ah ee Sugaanyahan kaga hadlay mawduuc dawladeed Casri ah. isaga oo soo maraya hanaanka Soomaalidu geela u kala qaado, islamarkaana hoga-tusaaleynaya oo waaninaya maamul socod barad ah. Waa...