Doogsin-carar: Ma xidhiidhiyaha sadexda Xisbibaa?

Waa kooxo todobaad walba munaasibadaha lagu qaabilo iyo dhawaaqooda bulshadu maqasho oo warbaahinta ka batey. Waxayna u kala dab-qaadaan meelo kooban. Hormoodka kooxdan oo dadka qaar ku naaneysaan ‘Doogsin-carar’, wuxuu todobaad hore ka hadlayay munaasibad uu u qabtay mid ka mid ah saddex aragti-siyaasaddeed, kuwaasoo mid kasta oo ka mid ahi bilo kooban gudahood oo ka mid ah sannadaha u irmaan-yahay, digo-rogashada Doonsin-carar iyo kooxdiisa u sameeya munaasibado loo arrko in weji kale lagu jilayo. Wuxuu haystaan Cod-baahiye dhawaaq dheer, wuxuuna taagan yahay sii-jeedka miis ay fadhiyaan hogaan aanay weji ahaan isku cusbayn oo hore ugu qaabilay kullamadan oo kale, wuxuuna ku sii jeedaa kooxdiisa oo la baxay taageerayaal cusub oo ka soo go’ay xisbi hebel, una soo digo-rogtay xisbi hebel kale. Wuxuu sare ugu dhawaaqayaa erayo uu munaasibadaha noocan ah u adeegsado, kuwaasoo loo ekaysiiyay qaar ka tarjumaya aragti siyaasaddeed oo ay isla qaateen dadka deegaan hebel ama beesha degtaa. Wuxuu tirinayaa balanqaadyo taageero u ah xisbi hebelka uu ku biiray maanta horena dhawrka jeer uga baxay, waxaana balanqaadyadiisa jewi farxadeed iyo sabab ku qaabilay hogaanka xisbiga uu maanta martida u yahay, oo aan ka maarmin cod keliya maal-maal maha ka mid ah. Laakiin, uma eka kuwo tix-raacaya in mr Doonsin-carar iyo kooxdiisu ahaayeen kuwii doraad ay qaabileen, shalayna dhinaca kale ka soo jeestay. “Waxaan la yaabay dhaqankeena, dadku miyaaney inala yaabeyn. Marka, maalin kasta meel la inagu arrko.” Sidan waxa ku xanshashaqeya mid ka mid ah kooxdan la soo dhaweeyey oo aan wax badan kala soco sababaha loo cuskadey ku biirista maanta. Mid kale, ayaa ugu jawaabeya, “Addigu sacabka xooji, iskana illaali Siyaasadu waa is bed-bedal badan-tahay, in lagaa maqlo Xisbi hebel ayaan ku biirey…waxaad odhaneysaa, Xisbigaanu ku biirey uun… xisbigu mid kasta wuu noqon karraa.” Ayuu ugu jawaabey Saaxiibkii.

Waa saaxiibo marka loo fiirsado, qabatimey qaabka loogu kala dab-qaado xisbiyada. ‘Ma adeegihii Sadexda xisbibaa..dadkani maalin Xisbi u sacab tumayaa..” Ayuu daawade ka halacsadey mid ka mid ah Warbaahintu is weydiiyay kooxdan. cid kale, daawaduhu jawaab ama sugin’e, isagii ayaa isugu hal celiyey. “Laakiin, ma camal bay hayaan ha ku maara-roobeene iska daa.” “Waxaanan weli fahmin sababta hogaanka xisbiyadu mar walba jewi isugu mid ah ugu qaabilaan ee ay u eegi waayeen dadkani miyaanay ahayn kuwii doraad sidaa idin lahaa, shalayna xisbi hebel sidaa u balanqaadayay, muxuu dhawaaqooda maantu kaga gedisan yahay kii doraad, shalay iyo beri oo laga yaabo inay halkaa ka sii wadaan. Marka ay qolada madaxda ahi dibadda noogu yimaadaan waxay nagu yidhaahdaan dhaqaale ahaan xisbiyadu ma fiicna. Laakiin, taasi aniga shaqsiyan iima muuqato, sababtoo ah sawkan xisbigu bil walba ama laga yaabee todobaadyo kooban gudahood kumanaan doolar soo dhawayn ugu samaynaya wejiyo ay hore isu soo arkeen oo ay garan karaan halka ay beri ku dambayn doonaan.”! Tiraabtanina waxay ka soo yeedheysaa, mid ka mid ah Qurbo-jooga reer Somaliland oo indho-indheeyay Xaalada dalka. Wuxuu is weydiinayaa sababta looga gudbi la’yahay arrintan ee kooxahan ma’baadiida iyo fiirada danta guud ka madhiyey. Waxaanu ogeyn in dadku badi ku mashquulsan-yahay danahooda, Islamarkaana aaney warbadan ka hayn meel la isla-marayo. Dadkiina wuxuu u qaatey intan Saaxafada maalin-dhaafka ugu qoran ee hadba Xisbi u talaabeysa. Sidoo kale, waxa ka maqan in kooxahani dello uga haystaan doogsin-cararka dar ka horeeyay oo ku tababarey hal-heyska caanka noqday ee ah. ‘Maxaa iigu jira’. Waxaan iyana meesha ka madhneyn oo odayga u dhuuntay in siyaasigu shalay kii ka tegay maalinta doorasho dhaw-dahay hadduu soo noqdo uu isku dayayo inuu qanciyo, sidaa daraadeedna ay marar badan indhaha laga laliyo.

Kuma talax-tegayno mawduucan. balse, ujeedadu waa inaynu si sarka xaadis ah u xusuusino saaxiibada arrintan ku hawlan in bulshadu aaney ka maarmin oo ay waxbadan siyaabo kale u tarri karaan. islamarkaana sida tirada 99 uu u buuxiyo hal-ku (1) ee Boqol uga dhigo, looga fadhiyo ruux kasta oo inaga mid ah inuu dareeno doorka muhiimka ah ee uu shacbigiisa ku leeyahay iyo inuu khayr iyo sharba sidaa Labarka halka ahi wax uga badelay sagaal iyo sagaashanka uu u bedali karro. Sidaa daraadeed, ay tahay inuu dhawro qiimihiisa iyo karaamada uu huwan-yahay oo ka horeysiiyo dantiisa gaar ah ta guud oo haddii ay hagaagto tiisu meel martahay.



Comments

Popular posts from this blog

Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah

Mar la ii doortay Solja