Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah

 Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah

In kasta oo aan sina murti looga maar-maari karin, hadana, nidaamkan saxaafadeed ee qoran maanta ka hor Suugaantu waxay inoogu beegneyd kaalintii war is gaadhsiineed iyo weelka lagu dhiteeyo Kayd-yaalka taariikheed ee maalin-ba waayaha la joogo sunta.

Waxaad marar badan muddan inaad milicsato ama dhagtaada ku soo dhacdo mid ka mid ah Gabayadaa hore ee la isugu marriyay. Waxaana hubaal ah, Tookh, tirtirsi, difaac, waano iyo qaybaha kala duwan ee Abwaan ka maansoodo mid uu doonaba ha ahaadee, mar kasta oo aad dib ugu fiirsataba sugaanta in aad ka baran karayso casharo kugu cusub oo ay tahay in lagu wax qaato. Gaar ahaan dadka ku hawlan qoraalka iyo tabinta macluumaadka.

Aan tusaale u soo qaato, mid ka mid ah gabayada ekeeyaha ah ee Sugaanyahan kaga hadlay mawduuc dawladeed Casri ah. isaga oo soo maraya hanaanka Soomaalidu geela u kala qaado, islamarkaana hoga-tusaaleynaya oo waaninaya maamul socod barad ah.

Waa abwaankii la odhan Jiray Faaxar Laanjeer Ala ha u naxariistee, oo la hadlayay Kacaankii Siyaad Bare hor joogaha ka ahaa, markii ay talada af-genbi ku qabsadeen 1969. Waa intaa afkeenu qormin’e.

Annigoo ka cudur daaranaya haddaan gol-gowl u yeelo Gabayga waxaan jeclahay inaan kugu dhiiri-geliyo inaad u fiirsato, halka uu ka bilaabay Laanjeer Taladiisa iyo tilmaanta uu hor iyo horaan-ba Geela ka bixiyay. Wuxuu yidhi.

Geelu waa dhibaato iyo taws laysku dhaqayaaye

Dheehiyo Samuudbaa ku jira dhiba xiniinyaa’e.

Mar haddii daruur dheregsaniyo Dhedo cirka u fuusho

Dhiska guri dharraarimaha reer dhaax ma joogsado'e

Waa dhuuni-raacoo ma huro Dhiinjar geedo leh….”

Halkaas ayuu tilmaantiisa ka wadayaa, waxa uu muujinayaa in aan Geel lagula habayaabin geed liita iyo Dhoobo jiif. Wuxuu yidhi.

Ama dhacanta jebi ama u raray Dhooddi iyo Sool'e

Dhimbiishaan iliilaysanbuu dhereriyaa Hawd'e”

Halkaa markey marayso, waxa uu tilmaamayaa in ladnaanta iyo barwaaqada Geelaagu daaqayo damac rag bar-bar socdo.

Iyadoo Dhammayseey la furay Toomo dhinacooda

Isagoo Madheedh dhuurleh iyo Dhuxun ka foofaaya

Oo dhogorta wada tuuray oo Dhicir Casaan yeeshay

Ayuunbaa col loo soo dhuraa booli-Dhaadhiyahe

Marka Dhoobigiyo lagu hor dilo dhayla wada naaxday?

Dhanbaal baa guryii loo diraa dhacantay Hiiraane”

Ayuu yidhi.

Marka la qaado Geelii ee reeraha xeryaha loo madoobeeyo, dabcan waa dhiilo iyo tashi lagu dhiciyo Geelii. “Habeenkaa dhawaaqeedu waa dhiillo iyo reene”

Marka ay halkaa marayso, waa inay Hubka boobaan reegeedii.

Raggii dumarka dhaadheer qaboo dhiibsan baa yimiye

Dhexda saanadaa lagu xidhiyo dhoomatada Wiiqa

Dhawr-qaadka soo qaate iyo Dheelli-tirihiiye

Dhanaankeeda nimankii dhamiyo dhayda iyo xoorka

Ku dhaguuge raadkii iyadoo dhawr habeen qadaye

Dharaar iyo Labo yay daba socdaan dhogor-idiinleeye”

Xaasha’e, ma jecli qudhaydu in Gabay la dhex-galo hadba, hasse ahaatee, waxaan taaga is leeyahay, dhalin-yarada maanta ku hawlan suugaanta ama xataa qoraalku, ma kala tagana’e, diirada ha saaraan oo ha uga dhex-muuqato qaabka warbixinta sheekada hoga’tusaalaha ah ee dhici karta uu u muujiyay Abwaanku iyo sida uu u kala sifeynayo, ninka dhacan iyo Tuuga oo tuducyadani muujinayaan markay isa soo gaadheen.

Iyadoo dhangado feedhmay iyo dhaanto daba joogto

Intay Dhool bannaan kaga ridaan dhawr ka mootiye'e

Dhal Fallaago weeyoo baqaha kuma dhabriiraane

Sida dhibicda roobka yay Rasaas Dhedo ah keenaane

Dhudhummada cammuudda u geshoo laysu dhinacyeeye

Dhugta Sulubka iyo Liifadday Dhoor ku murugtaaye

Dhafan-dhaafka Sulubkay cabbaar kala dhex joogtaaye

Hadba labada dhinac bay colkii mid u dhaweysaaye

Markay dhagarta taal iyo arkaan dhiirridiyo shiishka

Oo u dhoolcasii dhaqay sidii dhidido awrkeeda

Hadba meel dhufaysay kuwii dhacay ku eertaane

…….

Dheecaan halbowlaha qubtiyo dhuuxa bawdyaha'e

Dhaawaca dangiiguu gurtaa dhaxal-wadaaguuye

Is dhexgale dhufaankiyo duqdii dharasku saarraaye

Dhoolaha is geli Baarqabkii dhiirranaan jiraye”

Beyd iyo laba ayaan filayaa inuu tuducyadan ka dhex-maqan-yahay, tusaale fiican iyo murtise aad ugu filan ayaan filayaa.

Halkan ayuu taladii iyo tusaalihii ujeedada Gabayga ka gelayaa. Wuxuu yidhi.

Wax ka dhigan dhismaha dawladeed sidigta dhoor-wiile

Dar horooy la dheelideyba waa dhaxal xumaysteene

Dhudhun lagaga qaadyaa iyo wedkii lagu dhaweeyaaba

Nin dharaaro haystaba Saldanad loogu soo dhigaye

Dhamow Maxamed dhaan raagey buu dhawrayaa shicibe

Ku dhaqsada Distoorkiyo Sharciga dhigane noo yaala”

Dadka qaar-baa u dhiga Beydkan ugu danbeeya.

Ku dhakhsada Distoorkiyo sharcigaad ugu dhawaaqdeene.

Comments

Popular posts from this blog

Mar la ii doortay Solja