Posts

Maalqabeen La Majeerto Qarniyo Ka Dib!!

Is Bedalka Cimiladu waxaa uu ina barayaa wejiga runta ah ee maal-qababeenka. Wax-tarka ay bulshada u leeyihiin iyo waxtar la’aantooduna waxaa ay jaan-geyn doonaan halka ay ka gelayaan Taariikhda iskeed isu qorta ee aan qurxinta iyo buunbuuninta ku tisqaadin. Tusaale aan soo qaato, Xaaji Zeynabdin Taghiyev haddii aanad maqal. Waa maalqabeen hore oo ka mid ahaa dadka ugu dhaqaalaha roon dunnida waqtiyadda qaar. Laakiin, Ninkan, laguma xasuusto maanta  dhaqaalihiisii faraha badnaa ee uu ka kasbaday intii uu jiray Ganacsiyo uu ka mid ahaa soo saarista iyo iibinta Shidaalka oo uu bilowgeesii gar-daadiyay waddankiisu. balse waxaa lagu majeertaa wax-tarkii aan xadka lahayn iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa is bedelka nolosha Bulshadiisa. Zeynabdin waxaa uu dhashay January 1823 waxaana uu u dhashay dalka Azerbaijani oo uu ku geeriyooday 1 September 1924.  Xaaji Zeynabdin Taghiyev,  Aabbihii waxaa uu ahaa Kabotale la daalaa-dhacaya nolol maalmeedka qoyskiisa, sidaas dartee...

Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah

  Faarax Laanjeer: Tilmaan Geel iyo tusaalaha dawlad socod barad ah In kasta oo aan sina murti looga maar-maari karin, hadana, nidaamkan saxaafadeed ee qoran maanta ka hor Suugaantu waxay inoogu beegneyd kaalintii war is gaadhsiineed iyo weelka lagu dhiteeyo Kayd-yaalka taariikheed ee maalin-ba waayaha la joogo sunta. Waxaad marar badan muddan inaad milicsato ama dhagtaada ku soo dhacdo mid ka mid ah Gabayadaa hore ee la isugu marriyay. Waxaana hubaal ah, Tookh, tirtirsi, difaac, waano iyo qaybaha kala duwan ee Abwaan ka maansoodo mid uu doonaba ha ahaadee, mar kasta oo aad dib ugu fiirsataba sugaanta in aad ka baran karayso casharo kugu cusub oo ay tahay in lagu wax qaato. Gaar ahaan dadka ku hawlan qoraalka iyo tabinta macluumaadka. Aan tusaale u soo qaato, mid ka mid ah gabayada ekeeyaha ah ee Sugaanyahan kaga hadlay mawduuc dawladeed Casri ah. isaga oo soo maraya hanaanka Soomaalidu geela u kala qaado, islamarkaana hoga-tusaaleynaya oo waaninaya maamul socod barad ah. Waa...
  Doogsin-carar: Ma xidhiidhiyaha sadexda Xisbibaa? Waa kooxo todobaad walba munaasibadaha lagu qaabilo iyo dhawaaqooda bulshadu maqasho oo warbaahinta ka batey. Waxayna u kala dab-qaadaan meelo kooban. Hormoodka kooxdan oo dadka qaar ku naaneysaan ‘Doogsin-carar’, wuxuu todobaad hore ka hadlayay munaasibad uu u qabtay mid ka mid ah saddex aragti-siyaasaddeed, kuwaasoo mid kasta oo ka mid ahi bilo kooban gudahood oo ka mid ah sannadaha u irmaan-yahay, digo-rogashada Doonsin-carar iyo kooxdiisa u sameeya munaasibado loo arrko in weji kale lagu jilayo. Wuxuu haystaan Cod-baahiye dhawaaq dheer, wuxuuna taagan yahay sii-jeedka miis ay fadhiyaan hogaan aanay weji ahaan isku cusbayn oo hore ugu qaabilay kullamadan oo kale, wuxuuna ku sii jeedaa kooxdiisa oo la baxay taageerayaal cusub oo ka soo go’ay xisbi hebel, una soo digo-rogtay xisbi hebel kale. Wuxuu sare ugu dhawaaqayaa erayo uu munaasibadaha noocan ah u adeegsado, kuwaasoo loo ekaysiiyay qaar ka tarjumaya aragti siyaasaddeed oo a...
  This 20-Year-Old Man Has Made Millions From Crypto Trading; Now He Is Giving Back A 20-year-old who made millions trading cryptocurrency is set to open a food bank to give back to his community. Hanad Hassan made an investment of $50 (£37) in a cryptocurrency last year and within three months it was worth $1m (£738,000). He then dropped out of university to focus on trading in the field, becoming a multi-millionaire. Mr Hassan now wants to use his wealth to help people. A cryptocurrency he set up to support charity has already seen more than £200,000 spent on causes, and he is looking to use further funds raised by his currency to realise his foodbank plans for his home town of Birmingham. Although he has been successful, Mr Hassan knows trading in cryptocurrencies is not without risks. Cryptocurrencies are vulnerable to hacking and in January Bitcoin prices fell by $5,000 (£3,690) following remarks from the US Federal Reserve. So far, though, he has only known the upside, turnin...

Maxaad Ka Ogtahay Nolosha Qaxootiga Reer Yemen eed Ee Ku Sugan Somaliland?

https://www.youtube.com/watch?v=jQveI3olF7c   Masuuliyiinta iyo xubno ka mid ah baro kaca yaasha reer Yamaneed ee ku sugan Somaliland ayaa si mug leh, uga mahad sheegtay shacabka iyo xukuumadda Somaliland iyo sida dalka loogu soo dhaweeyay, oo ay ku tilmaameen mid ka marag furaysa dhaqanka wanaagsan ee ummadnimo. Biiraa laha Maandeeq, hawl-wadeenno ka tirsan ayaa Xog-waraysiyo ay ugu kuur galayaan nolosha qaxootiga reer Yamaneed ee u soo Qaxay Somaliland ku jiray bishii aynu ka soo gudubnay oo dhan. Waraysiyaddaas oo aanu la yeelanay in ku dhow 20 ruux oo kala duwan, da'a haan, Xirfad ahaan iyo heerarka ay nolosha kaga jiraanba. Ayaa waxaa dadka aanu la kullannay ka mid ahaa, Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Yaman ee Somaliland Xamad Xamuud Cabdalle Al Dumaini, “Waxaan aad uga mahad naqayaa sida wanaagsan ee Somaliland la noogu soo dhaweeyay, dhaqan wanaaga ummadnimo ee Islaamnimada ah, waxay na tuseen dareen walaaltinimo oo qalbiga ah, waxay noola dhaqmeen sidii dad ehelkoodii u ...